DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka jawaabay dalabaadka mucaaradka ee IEBC

0
259

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ka jawaabay dalab uga yimid hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga oo ahaa in la joojiyo shaqaaleysiinta saraakiisha cusub ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Waxaa uu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka doonaya in meesha laga saaro guddi la soo dhisay oo ka shaqeyn doono in la howlgeliyo saraakiil cusub.
Raila ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in howshan loo xil saaro guddi loo dhan yahay oo matalaad ku leh xisbiyada siyaasadeed si aan loo fulin rabitaanka dowladda.
Hasa ahaate madaxweyne Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Tharaka Nithi sheegay in keliya uu ansixiyay xubnaha guddiga soo xulaya howlwadeennada IEBC ka dib markii loo soo gudbiyay liiska iyadoo la tixgeliyay matalaadda dhinacyada kala duwan.
Ruto ayaa xusay in guddigan ay xubno ka yihiin qareennadda LSK, madaxda diimeed, guddiga adeegga dadweynaha ee PSC,baarlamaanka iyo xisbiyada siyaasadeed .
Waxaa uu sheegay in dastuurka wadanka uunan isaga u oggolayn inuu xusho qof wakiil ka ah oo guddigan ka tirsan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa cadeeyay in marnaba uunan qaadi doonin tallaabo baal marsan dastuurka dalka isagoo fulinaya dano shakhsiyadeed.