Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Galmudug oo Puntland ku eedeysay inay diiwaangelin sharci darro ah ka wado...

Galmudug oo Puntland ku eedeysay inay diiwaangelin sharci darro ah ka wado gobolka Mudug

Maamulka Galmudug ayaa ku eedeyay dhigooda Puntland in diiwaangelin doorasho ay ka sameyneyso deegaano ka tirsan kuwa Galmudug.
Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in deegaano ka tirsan gobolka Mudug ay Puntland ka sameysay diiwaangelin sharci darro ah.
Galmudug ayaa sheegtay tallaabooyinka caynkan ah inay dhaawacayaan nabadgalyada iyo wada shaqeynta labada maamul, iyagoo ugu baaqay Puntland inay joojiso diiwaangelinta.
Maamulka Galmudug ayaa sheegay deegaanada laga sameeyay diiwaangelinta inay ka mid tahay Dhinowda, Hirsalaama iyo deegaano kale oo ka tirsan degmada Gaalkacyo.
Si kastaba ha ahaatee diiwaangelinta ka socota gobolka Mudug ayaa ah diiwaangelinta doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland.
Puntland weli kama jawaabin eedeymaha ka soo yeeray maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments