Madaxweynaha dalka oo maanta tagaya ismaamulka Tharaka Nithi

0
191

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta hoggaamin doono munaasabad isugu jirta duco iyo mahadcelin oo lagu qabanaya ismaamulka Tharaka Nithi .
Guddoomiyaha dowlad deegaankaasi Muthomi Njuki ayaa sheegay in xafladdan ay ka dhici doonto fagaaraha Kirubia stadium.
Waxaa sidoo kale munaasabaddan ka qayb galaya madaxweyne ku xigeenka wadanka Rigathi Gachagua iyo xubno kale oo ka mid ah isbeheysiga Kenya Kwanza.
Dowlad deegaanka Tharaka Nithi ayaa ka mid ahaa ismaamullada uu madaxweyne Ruto sanadkii hore ka helay codad badan.