Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Faahfaahin ka soo baxeysa qaraxyo lagu weerarray hooyga taliyaha nabadsugidda degmada Dayniile

Faahfaahin ka soo baxeysa qaraxyo lagu weerarray hooyga taliyaha nabadsugidda degmada Dayniile

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay qaraxyo miino ah oo saaka lagu qarxiyay Hooyga uu Xaafadda Saban saban ka deggan yahay taliyaha Nabadsugidda degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawac ah iyo burbur hantiyadeed.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in qaraxyada oo labo ahaa uu dhaawac fudud ka soo gaaray taliyaha Nabadsugidda degmada Dayniile iyo taliyihii hore ee Ciidamada nabadsugidda degmadaasi Cumar Cabdi Fiidow iyo askari ilaalo u ahaa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dad deris la ah Taliyaha NISA ee degmada Dayniile ay qaraxyada ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay mid ka mid ah Isbitaallada ku yaalla degmadaasi.
Guriga ay qaraxyada ka dhaceen ayaa waxaa gaaray Ciidamo isugu jira booliis iyo nabadsugid, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo baaritaano ah wallow aysan jirin dad ilaa iyo hadda ay u qabteen qaraxaydaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments