Ku xigeenka barasaabka ismaamulka Garissa Cabdi Dhaqane Muxumad ayaa sheegay in qorshaha maamulkiisa uunan marnaba ahayn in xafiisyada laga saaro dad u shaqeeya bulshada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay weli taagan tahay caqabad u dhexeysa golaha fulinta ee ismaamulka Garissa iyo guddiga qaabilsan shaqaaleysiinta sidaas awgeedna marka tani la xalliyo ay shaqooyinkooda dib ugu laaban doonaan howlwadeennada lagu shaqaaleysiiyay sida sharciga ah.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan la howlgelin doono barayaasha fasallada aasaasiga ee dugsiyada hoose dhexe halka la soo celinaya barnaamijkii bilicda deegaanka ee ay danyarta ku maareyn jirtay noloshooda.
Cabdi Dhaqane ayaa dhanka kale xusay in mar dhow la bixinaya deeqaha ardayda looga maareeyo qarashaadka tacliinta.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Barasaab ku xigeenka Garissa oo ka hadlay howlwadeennada shaqada laga joojiyay