Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ciidamo horleh oo gaaray Laascaanood iyo dagaal laga cabsi qabo

Ciidamo horleh oo gaaray Laascaanood iyo dagaal laga cabsi qabo

Waxaa saacadihii la soo dhaafay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool iyo duleedkeeda gaaray Ciidamo aad u farabadan oo doonaya inay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Somaliland ee ka socda duleedka Magaaladaasi.
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hub culculus ayaa ka kala yimid deegaano iyo degmooyin ka kala tirsan Gobolada Sool iyo Bari, waana kuwo hab Beeleed u abaabulan, islamarkaana doonaya inay qayb ka noqdaan dagaalka ka socda duleedka Magaalada Laascaanood.
Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay inay garab istaag u muujiyaan Shacabka Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn, si gaar ah Shacabka Magaalada Laascaanood oo iska difaacaya Ciidamada Somaliland.
Inkastoo xaaladda Magaalada Laascaanood iyo deegaannada ku dhow ay tahay mid deggan ayaa haddana waxaa laga cabsi qabaa inay dhinacyadu markale dagaalamaan maadaama ay weli isku hor fadhiyaan Goobihii lagu dagaalamay.
Somaliland ayaa dhowr jeer ku celcelisay inay duulaan ku soo qaadeen Ciidamo ka kala tirsan dowladda Soomaaliya iyo Puntland, halka xooggaga SSC ay dhankooda sheegayaan inay iska difaacayaan weerar uga yimid dhinaca Ciidamada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments