Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka mid ahayn howlgalka ATMIS oo soo gaaray Soomaaliya

0
310

Waxaa saacadihii la soo dhaafay gaaray Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo Ciidamo farabadan oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo aan ka mid ahayn howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, iyada oo si wyen halkaasi loogu soo dhaweeyay.
Ciidamada ayaa waxaa ka soo horreeyay oo degmada Doolow soo gaaray Madaxa howlgalinta ciidanka militeriga Dowladda Itoobiya janeraal Tasfaye Ayalew iyo taliyaha guud ee ciidanka xoogga gaarka ee Dowlad Deegaanka soomaalida iyo Sarakiil kale oo ka socotay dowladda Itoobiya.
Mas’uuliyintan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ku soo dhaweeyay Saraakiisha Ciidamada, Guddoomiyaha Degmadaasi Maxamad Xuseen Cabdi Lafeey iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Ujeedada safarka Saraakiishan iyo Ciidamada Itoobiya ayaa lagu sheegay inay tahay in layska kaashaado amniga Xuduudaha iyo sidii loo cirib tiri lahaa Al-Shabaab, waxaana Saraakiisha ay u sheegeen maamulka iyo odayaasha in ciidamo cusub oo howlgal ka sameyn doona deegaanada Jubbaland ay dhawan imaan doonaan Degmada Doolow.
Ciidamo Itoobiyan ah oo horleh ayaa la filayaa inay dhawaan soo gaaran Gobolka Gedo, iyaga oo saldhig ka sameysanaya magaalada Baardheere, ayna ka qayb qaadan doonaan xoreynta Al-Shabaab ee deegaanada ay uga hareen gobolka Gedo iyo guud ahaan gobolka Jubbadda Dhexe.