Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saacad ka hor uu halkaasi ka dhacay shil baabuur oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah oo saarna Mooto Bajaaj.
Shilka ayaa la sheegay inuu yimid, ka dib markii gaari weyn oo nooca Xamuulka qaada ah uu dulmaray Mooto bajaaj, waxaana la xaqiijiyay dhimashada labo ruux iyo dhaawaca hal qof oo ahaa dadkii saarna Mooto Bajaajta.
Dad goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in qofka dhaawaca uu yahay dhaawaciisa mid halis badan, islamarkaana loo qaaday xarun Caafimaad isagoo aad u liita.
Gaariga Xamuulka ah ee shilka gaystay dhimashada iyo dhaawaca leh ayaa la sheegay inuu siday biro aad u waaweyn, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay leedhahay gaariga shilka galay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shilkan gaari uu yimid xili gaariga Xamuulka ah uu ku socday xawaare sare, islamarkaana wadihii gaariga uu xakameyn waayay baaburka, taasoo keentay inuu dul maro Mooto Bajaajta.
Si kastaba ha ahaatee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa inta badan ka dhaca shilal kala duwan ee gaadiidka, xilliyada ay marayaan waddooyinka Muqdisho, kuwaas sababa khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaara dadka shacabka ah.