Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowlad Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland ayaa xukun toogasho ah ku fulisay Xukumanayaal ka tirsanaa Ururrada Al-Shabaab iyo Daacish kuwaas oo tiradoodu gaareysay isku geyn 13 nin.
Fulinta toogashada ayaa ka kala dhacday magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Bossaaso ee deegaannada Puntland.
Magaalada Galkacyo waxaa lagu toogtey 5 nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaas oo horay dilal iyo Qaraxyo uga gaystay xaafadda Wadajir ee dhinaca Galmudug.
Garoowe ayaa lagu toogtay Shuceyb oo sanadkii 2016-kii lagu qabtay dagaaladi Ciidamada Puntland kula galeen deegaannada Suuj, Garmaal iyo Kulub balse intii Cafis loo fidiyay ku soo laabtay Garoowe isago dilal hor leh ka soo gaystay magaalada Muqdisho.
Bossaaso ayaa lagu dilay mid ka mid ah Shabakadihi dadka Reer Bossaaso madaxa u duuban jiray ee marar kala duwanaa ka tirsanaa Daacish iyo Al-Shabaab oo tiradoodu gaareysay 6 nin.