Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka, Ezekiel Machogu ayaa amar ku bixiyay in maamulka jaamacadda ismaamulka Meru uu ka laabto go’aan si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyay ku xigeenka madaxa xaruntaasi Prof. Romanus Odhiambo.
Wasiirka ayaa bayaan ku sheegay in tallaabadan ay horseeday dibadbax ay ardayda jaamacadaasi sameyeen taasoo keentay in jaamacadda la xiro.
Sidoo kale wasiirka tacliinta ee dalka ayaa cambaareeyay go’aanka shaqada looga joojiyay maamule ku xigeenka jaamacadda Meru wuxuuna ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aan lagala tashan.
Wasiirka ayaa amray in la qabto xaflad qalinjabin ah oo la qorsheeyay inay qabsoonto Sabtida nagu soo aaddan.
Golaha maamulo jaamacadda Meru ayuu dhanka kale wasiirka ku amray in ugu dambeyn berri uu dib u furo xarunta oo shalay albaabada la isugu dhuftay.
Prof. Odhiambo ayaa shaqada laga istaajiyay ka dib markii lagu eedeyay inuunan sidii laga doonayay u gudan waajibaadkiisa sidaas awgeedna uu goluhu go’aamiyay in aan loo cusbooneysiin qandaraaska shaqo.
Dhanka kale mid ka mid ah ardayda jaamacadda Meru ayaa soo dhaweeyay oo ka mahadceliyay amarka uu soo saaray wasiirka waxbarashada ee dalka.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Wasiirka tacliinta oo amray in shaqada lagu soo celiyo maamule ku xigeenka...