Dowladda Soomaaliya ayaa safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ku wareejisay ku dhawaad shan milyan oo doolar oo ay Soomaaliya ku caawinayso dhibanayaasha dhul gariirkii dalkaas ku dhuftay.
Dowladda Soomaaliya ayaa barnaamijkan u xil saartay guddi ka kooban 11 xubnood oo uu hoggaaminayAy wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha.
Waxaa ugu horreyn munaasabadda ka hadlay Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ee dowladda Soomaaliya Axmad Macallin Fiqi oo faahfaahin ka bixiyay sida 20 cishe gudaheeda loogu soo uruuriyay lacagtan.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dhankiisa guddiga howshan gacanta ku hayay uga mahadceliyay dadaalkii ay geliyeen isagoo ka hadlay waxyaabaha arrintan laga baran karo.
Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka hadlay xiriirka wanaagsan ee soo jireenka ee ka dhexeya labada dal.