Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maxkamadda ciidamada Soomaaliya oo maanta xukun ku ridday nin loo soo qabtay...

Maxkamadda ciidamada Soomaaliya oo maanta xukun ku ridday nin loo soo qabtay bambo tuuris

Qoraal ka soo baxay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidatan u qorna:
Ayuub Cismaan Sheekh Aadan oo ah 24-jir ku dhashay degaanka Janaale gobolka Shabeellada Hoose ayaa lasoo qabtay, isagoo ku eedeysan inuu tuurista Bam-gacmeedka u qaabilsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, maxkamadda ciidamada ayaa maanta ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah.
Ayuub ayaa horay isugu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya, isagoo soo maray xarunta dhaqan celinta ee loogu talagalay kuwa ka soo haray fikirka xagjirka ah, Ayuub ayaa dib ugu laabtay Khawaarijta markii uu dhamaystay habraacyadii dhaqan celinta oo la fasaxay kadib.
Ayuub ayaa ku soo bartay Bamba tuurista tuulada Siigaale oo u dhow degaanka Janaale, shaqadii ugu horeysay wuxuu Bombo F1 ku tuuray ciidan roondo ku jiray oo ku sugan Janaale, wax khasaare ahna ma geysan, ciidankii uu weeraray ayaa soo qabtay ninkaan.
Maxkamadda ayaa ugu danbayn maanta Go’aan ka soo saartay Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq, waxayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.
Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments