Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Somaliland oo sheegtay inay ka war heleen in ay weerar ku soo...

Somaliland oo sheegtay inay ka war heleen in ay weerar ku soo yihiin ciidamada Puntland

Xukuumadda Somliland ayaa sheegtay in xogo sirdoon oo ay heshay ay ku ogaatay in ciidamada Puntland ee PSF iyo PMPF ay qorshaynayaan in ay soo weerarraan xeryaha milateriga Somaliland ee gobolka Sool.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ay beesha caalamka ku wargelinayso dagaal ay Puntland qorshaysay in ay ku soo qaado Somaliland.
“Wasaaradda gaashaandhigga waxay rabtaa in ay ku wargeliso beesha caalamka, dowladaha gobolka iyo Qaramada Midoobay, in xogo sirdoon oo lagu kalsoon yahay oo aynu helnay ay muujinayaan in ciidamada Puntland ee PSF iyo PMPF ay qorshaynayaan in ay soo weerarraan ciidanka qaranka”
Warbixinta ayaa lagu sheegay in ka dib markii ay Somaliland xogtan heshay ay qaadday dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah, si ay u difaacdo dhulkeeda iyo shacabkeeda, waxa kale oo lagu sheegay in Puntland ay cadaawad dooratay, laakiin Somaliland is difaaci doonto.
Somaliland ayaa beesha caalamka ka codsatay in ay cambaareeyaan waxay ku tilmaantay gardarro, islamarkaana ay taageerto xaqa ay Somaliland u leedhahay in ay is difaacdo, ayaa lagu yiri warbixinta.
Waxaa ugu dambeyntii lagu sheegay in Somaliland ay rabto in ay nabad kula noolaato dhammaan jaarkeeda, laakin aynan ka laba labayn doonin in ay difaacdo dhulkeeda iyo madaxbannaanideeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments