Xildhibaan lagu dilay magaalada Boosaaso

0
239

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Maxamad oo ka mid ahaa golaha deegaanka Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa u geeriyoodey dhaawac xalay fiidkii kooxo hubaysan ugu gaysatay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Kooxaha hubeysnaa ay Xildhibaanka dhowr xabadood uga dhufteen qaybaha sare ee jirskiisa, taas oo keentay in uu soo gaaro dhaawac halis ah ka dibna uu saaka u geeriyooday.
Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Gobolka Bari ayaa sheegay inay wadaan howlgallo ay ku baadigoobayaan kooxihii ka dambeeyay dilkaasi, islamarkaana waxyaabihii ka soo baxa Warbaahinta la wadaagi doonaan.
Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu amniga xun maamulka Puntland, waxaana dhowr jeer ka dhacay dilal qorsheysan iyo weerarro lagu qaaday Xarumo k amid ah kuwa Maamulka.