Ugu yaraan 3 qof oo lagu dilay Marsabit

0
268

In ka badan saddex qof oo labo ka mid ah ay carruur yihiin ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay weerar aroornimadii hore ee maanta ka dhacay ismaamulka Marsabit.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in koox hubeysan oo aan weli tiradeedu la ogaan ay weerar ka fulisay aagga xoolaha lagu daajiyo ee Korolle oo ka tirsan tuulada Kargi .
Guddoomiye xaafadeedka aaggaasi Maxamuud Arballe ayaa dhacdadan xaqiijiyay.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay in burcadda ay halkaasi ka dhacday 1000 neef oo ari ah.
Waxaa uu intaasi ku daray inay dhaawac culus gaarsiiyeen hal qof.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo deegaanka Loyiangalani ,Joseph Mavina ayaa sheegay in la billaabay baaritaano dhacdadan ku aaddan si burcadda loo soo qabto oo dib loogu soo celiyo xoolaha la kaxeystay.