Wasaaradda gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qoraal ay baahisay ku sheegtay in saaka weerar lagu soo qaaday ciidamadooda jooga jiidda hore ee Gobolka Sool.
Somaliland ayaa weerarkaasi ku eedeysay maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxo ay ku sheegeen nabad diidka iyo argagixiso, iyaga oo intaasi ku daray in mas’uuliyadda weerarka ay qaadi doonto Puntland.
“Beesha Caalamka iyo waddamada Jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay isku fidiyaan guud ahaan mandaqadda Geeska Afrika.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Somaliland.
Somaliland ayaa marar badan Puntland ku eedeysay ku lug lahaanshaha dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.