Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa Saddex toddobaad ka dib waxaa uu si kulul uga hadlay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kuwaas oo u dhexeya Ciidamada deegaanka iyo kuwa Somaliland.
Guddoomiyaha oo maalmahan ku sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in uusan ahayn Nin u Shaqeeya sida Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleymaan Cali Koore, sidoo kalena ahayn Nin matala Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Gibiley, balse uu yahay in matala dadka Reer Sool una doodayo.
Waxaa uu ku eedeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi inuu furfurayo xarig kasta oo lagu doonayo in lagu gaaro nabad si loo joojiyo dagaalka ka socda duleedka magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa ku soo aadaya xilli dagaal muddo Saddex toddobaad ka badan qaatay uu ka socda Magaalada Laascaanood, kaas oo gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.




