Ciidanka Booliiska dalka Soomaaliya ayaa Warbaahinta magaalada Muqdisho u soo bandhigay Shabakad ay sheegeen inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab oo laga soo qabtay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku howlana diyaarinta gaadiid qaraxyo ah oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacab Soomaaliyeed.
Kooxdan Shabaab ka ah ee la soo bandhigay ayaa tiro ahaan gaarayay siddeed ruux oo dhammaantood rag ah, kuwaas oo Booliiska uu sheegay in gacanta lagu soo dhigay xilli ay gaari Homey iyo Mooto saddex lugooleey ah ay ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa iyo hubka qaybahiisa kala duwan oo la doonayay in loo qaado degmada Saakoow.
Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka raggaan lagu soo qabtay ay iska kaashadeen Booliiska iyo Nabadsugidda, islamarkaana ay fududeeyeen dadka shacab ah.
“Ciidamada Boliiska iyo Nabadsugidda waxay gacanta ku soo dhigeen Shabakad Shabaab ah oo 8 ruux ah hub, rasaas, waxyqaabaha qarxa oo ay ku jiraan 100 xabo oo Mobeylo yar yar iyo batariyaasha bajajata oo ah waxyabaha ugu badan ee qaraxyada loo isticmaalo, gaari Homey ah oo ay ku rarayeen waxyaabaha Qarxa Mooto nooca saddex lugooleeyda ee xamuulka lagu qaado, kooxdan ayaa gaariga Homeyda ah ee qaraxyada u raraayay degmada Saakoow,” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Doodishe.
Afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa ayaa sidoo kale sheegay in kooxdan gacanta lagu soo dhigay la horgeyn doono Maxkamadaha sharciga u leh, wuxuuna uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed wadashaqeynta kala dhexeysa laamaaha ammaanka dowladda Soomaaliya.