Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Maanta shir gudoomiyay Kulanka Amniga Gobalka oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso.
Shirkaan waxaa ka qayb galay dhamaan Qaybaha Ciidanka Booliska ka howlgala Magaalada Bosaaso iyadoo diirada lagu saaray qodobo ay kamid ahaayeen Dardargalinta Amaanka Guud ee Gobalka Bari.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari wuxu ugu horeen Taliyaasha Saldhigyada Qeybohooda kala duwan ka dhagaytsay howlgaladii ugu danbeeyay ee ay sameyeen Ciidamada Booliska iyo dardar galinta kuwa dhiman iyadoo sidoo kale lasoo jeediyay in la dhamaystiro waxyaabaha lagama maarmaanka u ah howlgalka amni Xaqiijinta Gobolka Bari.
Dhinaca kale Taliyaha ayaa u mahadceliyay dhamaan sarakiisha Booliska isagoo ugu baaqay inay dardar lixaad-leh galiyaan amaanka isamarkaana bulshada ay ugu adeegaan si wanagsan iyagoo racaya Tilmaamo uu siiyay.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Xusay in ujeedka loo qabtay kulankaan muhiimka ah ay tahay xaqiijinta amniga Gobalka Bari iyo Kala warqaadashada Lamaha Ciidanka Booliska ee Gobolkaas ka howlgala.
Taliyaha Qeybta Ayaa Bulshada Magaalada Bosaaso ka codsaday inay gacan ka siyaan ciidamada xaqiijinta amaanka si looga hortago kuwa sameeya dhibaatootinka mararka qaar Gobolka laga soo tabiyo.