Tababare ciidan oo loo xukumay la shaqeynta Al-Shabaab

0
329

Qoraal ka soo baxay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidatan u qorna:
Macalin Tababar oo ka tirsanaa kuliyadda Jaalla siyaad ee militaryga Soomaaliya ayaa loo xukumay la shaqaynta Argagixisada Alshabaab.
Waxa uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare laakiin dowladdii Madaxweyne Farmaajo xilligii diiwaan gelinta Ciidamada ayaa loo helay xidig sax ah, waxaana Cadaatay in inta kale uu iska saartay.
Caradii uu ka qaaday kedib waxa uu la xertay Alshabaab, waxaana hay’adaha baarista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Ogaadeen In Xidigle CabdiCasiis Xuseen Nuur Musral yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Alshabaab.
Tan iyo 22 kii January Sanadkan ayay socotay habraaciisa Maxkamadeed.
63 jirkan ayay maanta Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah.