DHAGEYSO:Booliiska Soomaaliya oo toogtay nin hubeysan oo doonayay in uu dil geysto

0
355

Ciidanka booliska saldhigga deEgaanka Garasbaalley ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay dileen nin ka tirsan Al-Shabaab, oo doonayay in uu dilo askari ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya.
War ka soo baxay Taliska qeybta BooliIska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in ninka oo ku hubeysnaa bastoolad ay Ciidamadu ku toogteen isgoyska xaafadda Tabbeelaha Sheekh Ibraahim xilli uu doonayay in uu dilo askari ka mid ah Ciidamada Aruuriya Canshuuraha ee Minishiibiyada.
Taliyaha QAybta Galbeed ee Boliiska Gobalka Banaadir Gaashaanle dhexe Yaasin Nuur Kheyre ayaa sheegay in wada shaqeynta shacabka iyo Booliiska ay sahashay in saaka la toogto dhagar qabaha.

Guddoomiyaha deegaanka Garasbaalley, Nuur Xasan Cali ayaa dhankiisa u mahadceliyay ciidamada howlgalka fuliyay isagoo faahfaahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ay sameeyeen howlgallo dheeraad ah oo lagu xaqiijinayAy amniga si ay uga hortagaan falal amni darro oo ka dhaca duleedka magaalada Muqdisho.