Rw Xamse oo codsaday in si shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda ka aloosan Laascaanood

0
305

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in 35 sanadood ka hor wixii ka dhacay gobollada waqooyi wax la mid ah ay maanta ka dhacayaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Xamse Cabdi Barre, oo xalay fiidkii ka hadlayay magaalada Muqdisho ayaa si qota dheer uga hadlay colaadda ka aloosan magaalada Laascaanood, halkaas oo dhowr iyo tobankii maalmood ee la soo dhaafay ay ku dagaallamayeen ciidamada Somaliland iyo ciidamada deegaanka.
Ra’iisul wasaare Xamse, ayaa codsaday in si shuruud la’aan ah loo joojiyo xabbadda lana dhaqangeliyo xabbad-joojintii ay ku dhawaaqday Somaliland, garaadadana ay soo dhaweeyeen.
Waxaa uu intaasi ku daray sida ay la tahay in xabbad-joojintaasi lagu hirgelin karo, isagoo shacabka guud ahaan ugu baaqay inay ka qayb qaataan sidii colaaddaasi loo soo afjari lahaa ayna ka feejignaadaan inay sii huriyaan.