Baabuur kale oo ku dhacay badweynta Indian Ocean

0
937

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa sheegaya in aroornimadii hore uu mid ka mid ah baabuurta xamuulka ku dhacay badweynta Indian Ocean.
Tani ayaa timid ka dib markii darawalka uu lumiyay xakameynta baabuurka xilli uu isku dayay inuu gudbo marinka Likoni.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaarigan uu siday galleey laga keenay dhanka wadanka Tanzania.
In kastoo uusan jirin dhaawac ama khasaaro nafeed oo dhacdadan ka dhashay waxaa ay dhanka kale sababtay ciriiri xooggan oo isku socodka baabuurta ah.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii baabuur kale oo ay leedahay shirkadda Pollman oo badweynta ku dhacay.