Dowladda oo sheegtay in 91 gabdhood oo uur ku qaaday Kericho ay dib ugu laabanayaan dugsiyada

0
862

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dhexe oo tagay ismaamulka Kericho ayaa sheegay in gabdho uur qaaday ay sii wadan doonaan waxbarashadooda.
Waxaa uu Fred Matiang’i hoosta ka xarriiqay in gabdhahan oo ay tiradoodu tahay 91 loo oggolaan doono inay dugsiyada ku laabtaan ka dib marka ay umulaan.
4-tii bishan ayay ahayd markii dib loo furay dhammaan fasalladda goobaha waxbarashada ee dalka oo bilooyin xirnaa cudurka COVID-19 awgii.
Saameynta xirnaanshaha dugsiyada waxaa ka mid ah in gabdho badan oo arday ah ay uur qaadeen tani oo adkeysay inay sii wataan waxbarashadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here