Taliyaha NISA oo war ka soo saaray sharciga lagu ansaxiyay NISA

0
294

Xildhibaannada Golaha shacabka ee baarlamaanka dalka Soomaaliya, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansaxiyay hindise sharciyeedka hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka ee NISA.
148 xildhibaan ayaa oggolaaday, saddex xubnood ayaa ka aamustay, halka hal mudane uu diiday.
Sida ay qortay warbaahinta dowladda Soomaaliya, codeyntan ka dib ayay sidan ansax ugu noqotay hay’addan.
Sharcigan ayaa horyaallay golaha baarlamaanka maalmihii la soo dhaafay, iyadoo ay xubnaha golaha ay ka doodeen.
Dhanka kale, taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Mahad Maxamad Salaad, ayaa war uu soo saaray uga mahadceliey golaha shacabka meelmarinta hindise sharciyeedka hay’adda.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in ansaxinta sharcigan uu muhiim u yahay amniga qaranka, la dagaalanka Al-Shabaab iyo in laga ilaaliyo in magaca hay’addani lagu sameeyo takri fal.