Dagaalka Laascaanood oo xoogeystay iyo saraakiil ku geeriyootay

0
308

Waxaa xoogeystay dagaalka u dhexeya Ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaadka deegaanka ee ka socda Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in dagaalka xooggiisa uu ka dhacay agagaarka huteelka lagu Magacaabo Xamdi, waxaana la xaqiijiyay in dadka dagaalka ku dhintay uu ka mid yahay Kornayl Maxamuud Cali Xirsi (AFGAAB) oo ka mid ahaa Saraakiishii sida weyn uga soo horjeeday inay Somaliland maamusho Magaalada Laascaanood.
Sidoo kale waxaa jira dad Shacab ah iyo Ciidamada deegaanka oo dagaalka ku geeriyooday, waxaana weli la maqlayaa rasaas xooggan oo labada dhinac ay is dhaafsanayaan.
Qaar ka mid ah Isimada Gobolka Sool ee shir uga socday Magaalada Laascaanood oo hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland ay weerar gardaro ah ku soo qaadeen Magaalada Balse Shacabka ay iska difaaci doonaan.