DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo bogaadiyay shacabka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiintooda

0
316

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay soo xiray wajigii labaad ee Shirka dib u heshiisiinta siyaasiinta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed oo xal looga gaaray dhammaan tabashooyinkii laga qabay hannaanka doorashooyinka ee maamulkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dadka reer Koonfur Galbeed ay midnimada, nabadda iyo wada jirkooda u hiiliyeen ayna ammaan ku mudan yihiin.
Waxaa uu sidoo kale bogaadiyay cidkasta oo heshiiskaan ka qayb qaadatay, isagoo xaqiijiyay in dowladda federaalka xaqiijin doonto hirgelinta wixii lagu balamay.