Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada

0
527

Waxaa xalay kulan gaar ah Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ku yeeshay Madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble & qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada.
Shirka waxa uu si gaar ah u dhexmaray Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha& Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Warraka kulanka laga helay ayaa sheegay inay uga arrinsanayeen shirka Maanta ka dhacaya Xarunta Afisyooni ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo dhex-mari doona Madaxda dowladda, Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir.