Sarkaal ka tirsanaa booliiska oo lagu xukumay dil

0
366

Maxkamadda sare ee dalka ayaa dil ku xukuntay Frederick Leliman oo horay uga tirsanaa ciidanka booliiska wadanka.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu cadeeyay in sanadkii 2016-kii uu dilay qareen lagu magacaabi jiray Willie Kimani, qof macaamiil u ahaa iyo darawalkoodi.
Saddex qof oo kale oo labo ka mid ah ay ahaayeen booliis oo ku lug lahaa falkan ayaa iyagana lagu xukumay 20 ilaa 30 sano oo xabsi ah.
Waxay kala yihiin Stephen Cheburet oo xabsiga ku jiraya 30 sano ,Sylvia Wanjiku (24 sano) iyo Peter Ngugi oo lagu riday 20 sano oo xabsi ah.
Waxaa go’aanka maxkamadda maanta ku dhawaaqday garsoore Jessie Lesiit .
Xaakinka ayaa sheegtay in saraakiisha dacwad oogidda ay si shaki la’aan ah u cadeeyeen eedeymaha loo jeediyay shakhsiyaadkan.
Intii uu socday dhageysiga kiiskan , waaxda dacwad oogidda ayaa soo bandhigtay ilaa 46 marqaatiyaal ah iyo 117 caddeymo ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Leonard Mwangi oo isna horay uga mid ahaa booliiska dalka ay maxkamaddu siidaysay maadaama uu noqday marqaati.
Sanadkii 2016-kii ayay ahayd markii la afduubtay Willie Kimani oo ahaa qareen u doodo xuquuqul aadanaha , qof uu matalayay oo lagu magacaabi jiray Josephat Mwendwa iyo darawalkoodi Joseph Muiruri.
Meydadka saddexdan qof ayaa maalmo ka dib markii la waayay laga helay webiga Ol-Donyo Sabuk River ee ismaamulka Machakos.