Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay la wareegay Amniga Teendhada Afisiyooni, halkaasoo la filayo inay kulan ku yeeshaan Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka kajira.
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Amniga halka uu ka dhacayo shirku uu kala hadlay Madaxda Maamulad & Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, isla markaana Amniga guud & howlaha kale ee loo baahdo ay diyaariyeen AMISOM.
Kulanka oo uu habeeno ka hor ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu dhameystirayaa heshiiskii 17-kii bishii Sagaalaad ee sanadki hore iyo kii Guddiyada Farsamada ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo bishii hore.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhamaan ku sugan Madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana saacadihii la soo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in shirka uu Maanta baaqan karo, ka dib markii Madaxweynaha Puntand uu sheegay in shirkaas uusan waxba kala socon, sidoo kalena uu xusay in Ciidamo lagu hareereeyay, hayeeshee ay soo farageliyeen Wakiillada Beesha Caalamka.
Ammanka wadada u dhaxeeysa Xerada Afisiyooni iyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa aad loo adkeeyay, waxaana lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan dowladda oo waddooyinka taagan, kuwaasoo ilaalinaya Madaxda Sare ee dowladda ee shirka ka qeyb galaya.
Shacabka Soomaaliyeed & Beesha Caalamka ayaa isha ku hayaan Shirka ka furmaya Teendhada Afisiyooni, kaasoo la filayo in heshiis looga gaaro arrimaha doorasooyinka dalka Soomaaliya oo muranka hareeyay sababay inay dib u dhacaan.
Home Wararka Soomaaliya Ciidamada AMISOM oo la wareegay goobta uu ka furmayo shirka madaxda Soomaalida