Wasiirkii hore ee difaaca dalka Cameroon oo la xiray 30 sano

0
290

Wasiirkii hore ee wasaaradda gaashaandhigga dalka Cameroon
Edgar Alain Mebe Ngo’o ayaa lagu xukumay xabsi 30 sano ah.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu cadeeyay inuu musuqmaasuq ku kacay.
Ngo’o ayaa lagu helay dembi ah inuu ku takriifalay lacag dhan 23 bilyan oo lacagta Cameroon ah una dhiganta ilaa 4.8 billyan oo shilin.
Waxaa xukun xabsi oo 10 sano ah lagu riday xaaskiisa oo lagu eedeyay inay qorshahan garab ku siisay.
Qareenka wasiirkii hore ee difaaca ee dalka Cameroon ayaa laga soo xigtay in Edgar oo 66 sano jir ah uu racfaan ka qaadan doono xukunka maxkamadda.
Hay’adda caalamiga ee daahfurnaanta ee Transparency International ayaa warbixinteedi musuqmaasuqa ee sanadkii hore ku sheegtay in dalka Cameroon uu heerka musuqa uga jiro nambarka 142 iyadoo qiimeyn lagu sameeyay 180 waddan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here