Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya inay Ciidamo gaysay Madaarka Diyaaradaha Aadan Cadd e iyo sidoo kale agagaarka halka uu daganyahay madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ka dib markii uu sheegay in Ciidamo lagu hareereeyay.
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo ka Jawaabayay eedaymo ka soo yeeray madaxweynaha Maamulka Puntland oo ahaa inay dowladdu Meelkasta Ciidanka ka dhigtay ayaa sheegay inaysan jirin Ciidamo ay dowladda gaysay Garoonka Aadan Cadde kuwaas oo khalkhal galiyay amaanka Madaxweynaha Puntland ama madaxda kale ee Maamul goboleedyada ee degan Gudaha Garoonka Aadan Cadde.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay inay hadalka Madaxweyne Deni u arkayaan in looga been sheegay Xaaladda dhabta ah ee Nawaaxiga Garoonka ka jira gaar ahaan arrinta ku saabsan Ciidamada uu ka cabanayay.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo beenisay ciidamo la sheegay in la geeyay garoonka Aadan...