Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kansarka dhuunta oo ah nooca loogu dhimashada badan yahay

Kansarka dhuunta oo ah nooca loogu dhimashada badan yahay

Warbixin uu maanta soo saaray machadka qaran ee cudurka kansarka ayaa lagu sheegay in nooca kansarka ee saameeya dhuunta uu yahay midka loogu dhimashada badan yahay gudaha dalka.
Madaxa fulinta ee machadkan ,Alfred Karangu ayaa sheegay in tobankii qof ee uu kansarkan ku dhaco , sagaal ka mid ah ay u dhintaan.
Waxaa soo raaca midka haleela minka halka kan saddexaad uu yahay kansarka naaska.
Sanad kasta gudaha Kenya waxaa laga diiwaangeliyaa 47,887 oo ah kiisaska cusub ee cudurka kansarka halka ay u dhintaan 32,500 oo dadkan ka mid ah.
Warbixinta waxaa sidoo kale ku cad in labo ka mid ah saddexdii qof ee uu kansarka ku dhaco inuu noloshooda galaafto.
Boqolkiiba 70 ee kiisaska cudurka kansarka ayaa la baaraa iyagoo heer sare gaaray oo aynan suurtagal ahayn in la daaweeyo.
Warbixinta maanta la soo bandhigay waxaa ku xusan in keliya boqolkiiba 23 ee bukaannada kansarka ee gudaha dalka ay helaan adeegyada xanuunka lagu maareeyo ee ay u baahan yihiin halka in cudurka xilli hore la iska baaro ay xaddidan tahay.
Sidoo kale waxaa dadka ku culus qarashaadka ku baxa daaweynta kansarka.
5-ta ismaamul ee laga diiwaangeliyay kiisaska ugu badan ee kansarka ayaa kala ah Nairobi, Nakuru, Kiambu, Machakos iyo Nyeri .
Dhanka carruurta waxaa ugu badan nooca kansarka ee dhiigga oo lagu sheegay boqolkiiba 15 waxaana soo raaca burooyinka maskaxda oo ah boqolkiiba 11.
Howlwadeennada caafimaadka ayaa ku baaqaya in waaxyo kala duwan ay iska kaashadaan la tacaalidda saameynta cudurka kansarka ee gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments