Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Baarlamaanka oo uruurinaya aragtida dadweynaha ee khaladaadkii imtixaannada

Baarlamaanka oo uruurinaya aragtida dadweynaha ee khaladaadkii imtixaannada

Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha waxbarashada ayaa billaabay inuu dadweynaha fursad u siiyo inay gudbiyaan aragtidooda ku aaddan khaladaadkii dhacay xilligii imtixaannada qaran ee KCPE iyo KCSE-da ee sanadkii hore.
Waxaa guddigan hoggaaminaya xildhibaanka deegaanka Tinderet, Julius Melly .
Karaaniga baarlamaanka Samuel Njoroge ayaa sheegay in cidii doonaysa inay fikirkeeda la wadaagto baarlamaanka ay haysato ugu dambeyn 14-ka bishan.
Warbixinta ayaa si toos ah loo gayn karaa xafiiska karaaniga ama waxaa lagu diraya emailka ah cna@parliament.go.ke.
Warbixinnada la xiriira in imtixaannada wax isdaba marin lagu sameeyay ayaa soo baxay ka dib markii ardayda dugsiyo ku yaalla ismaamullada Kisii iyo Nyamira ay heleen buundooyin wanaagsan.
Hasa ahaate wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa difaacay natiijada isagoo xusay in laga faafiyay warar been abuur ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments