Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Shirkii Muqdisho oo war murtiyeed laga soo saaray

Shirkii Muqdisho oo war murtiyeed laga soo saaray

Madaxweynaha dalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guddoomiyay shir afar geesood ah, oo ay wada qaateen madaxda waddamada dariska la ah Soomaaliya.
Shirkan ayaa lagaga arrin sanayay sidii loo mideyn lahaa howlgallada lagula dagaalayo kooxda Al-Shabaab, iyadoo madaxdu ay falanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha shirkii ay ku yeesheen maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogagga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.
Madaxda ayaa wadajir u bogaadiyay guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgalladii ay kula wareegeen deeganno badan oo ka tirsan wadanka Soomaaliya.
War murtiyeedka ayaa lagu xusay qodobbo badan, oo ay ka mid yihiin taageerista dowladda Soomaaliya, adkeynta xilliga kala guurka ee ciidamada ATMIS ay baxayaan, go’aan ku gaarista mideynta howlgallada ciidanka iyo waxyaabo kale oo fara badan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka Kenya William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya, Abiy Axmad iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle sida ay u ajiibeen martiqaadka uu u fidiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments