Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Yaa ku guuleystay doorashada kursigii uu banneeyay Mahad Salaad?

DHAGEYSO:Yaa ku guuleystay doorashada kursigii uu banneeyay Mahad Salaad?

Ilyaas Sheekh Axmad Ibraahim ayaa ku soo baxay doorashada ku celiska ahayd ee Kursiga Hop147 ee deegaan doorashadiisu tahay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, isagoo kaga guuleystay musharrax Aamino Tahliil Warsame oo la tartantay.
Guddiga KMG ah ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11-aad ee dalka  Soomaaliya ayaa doorashada Kursigan maanta ku qabtay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin heer federaal iyo mid dowlad goboleed ah.
Guddomiyaha KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya Cabdi Xiish ayaa ku dhawaaqay in Ilyaas Sheekh Axmad Ibraahim uu ku guleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP147.

Ilyaas Sheekh Axmad Ibraahim ayaa dhankiisa ka hadlay guushiisa.

Kursigan ayaa bannaanaaday ka dib markii Mahad Salaad oo xilkan ku fadhiyay loo magacaabay agaasimaha hay’adda sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments