Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Kenya oo booqashadii ugu horreysay ku tegay caasimadda Muqdisho

Madaxweynaha Kenya oo booqashadii ugu horreysay ku tegay caasimadda Muqdisho

Qoraal ka soo baxay aqalka madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u soo dhaweynayaan Madaxweyne William Ruto iyo wafdigiisa oo booqashadii ugu horreysay ku yimid dalkeenna, tan iyo markii la doortay.
Dhankiisa, Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments