Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Wasiirka ganacsiga Soomaaliya: Cali Dheere waxba laga weydiin maayo ilaalinta hantida ummadda...

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya: Cali Dheere waxba laga weydiin maayo ilaalinta hantida ummadda Soomaaliyeed

Wasiirka ganacsiga dowladda Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku tilmaamay guul shacabka Soomaaliyeed u soo hoyatay, in kooxda Al-Shabaab ay dareemeen saameynta ay ku yeelatay dagaalka dhaqaale ee dowladdu ku qaadday.
Waxaa uu sheegay tallaabada cunaqabataynta dhaqaale ee Shabaab lagu soo rogay in lagu badbaadiyey lacago tiro badan oo ay doonayeen inay Shabaab baad uga qaataan ganacsatada Soomaaliyeed, sida uu sheegay wasiirka.
“Ninka Cali Dheere la yiraahdo ee ku hadla Afka Khawaarijta, waxa aan u sheegayaa in aan waxba laga weydiinayn ilaalinta hantida umadda Soomaaliyeed oo cidda laga ilaalinaya ay tahay isaga oo ah khawaarijta Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ganacsiga ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ku bogaadiyay u hoggaansamidda awaamiirtii dowladda ee lagu joojinayay lacagahii sharci darrada ahaa ee ay siin jireen Al-Shabaab.
Waxaa uu ganacsatada Soomaaliyeed uga mahadceliyey inay si joogto ah ay dowladda ula soo wadaagaan xogaha la xiriira meelaha lacagaha loogu diro Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa carrabka ku dhuftay in gacanta lagu dhigay taleefano iyo akoonno tiro badan oo lagu dhici jiray lacagaha ganacsatada Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inay soo bandhigayso malaayiin doolar oo Shabaab ugu xaraysnaa bangiyada dalka, lacagahaas oo ay dowladda sheegtay in loo adeegsan jiray dhibaataynta shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments