Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Odayaal la sheegay inay la macaamileen Al-Shabaab oo xukun lagu riday

Odayaal la sheegay inay la macaamileen Al-Shabaab oo xukun lagu riday

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, ayaa xukun xabsi shan sano ah ku ridday saddex oday dhaqameed, oo loo haystay inay heshiisyo la galeen ururka Al-Shabaab.
Saddexda nabadoon oo la kala yiraahdo, Cumar Maxamad Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmad Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow, ayaa loo haystay inay ka dhago fureysteen amar ka yimid dowladda, oo ahaa inaan lala macaamili karin ururka Al-Shabaab.
Xukunka maxkamadda, ayaa waxa kale oo ka mid ah, in marka ay dhameystaan xabsiga shanta sano ah, uu boolisku la socon doono dhaqdhaqaaqooda.
Odayaasha ayaa waxa u furan inay racfaan ka qaataan xukunka ku dhacay maanta.
Nabadoonnada la xukumay, ayaa 27 kii bishii hore laga soo xiray magaalada Cadaado, ka dib markii ay heshiis kula soo galeen Al-Shabaab magaalada Xarardheere, ka hor inta aynan gacantooda ka bixin.
Heshiiska ayaa waxa ka mid ahaa in la sii daayo dad ka badan lixdan qof oo kooxda Al-Shabaab ay haysatay, iyo in gaadiidleyda reerka Cadaado degan loo fasaxo inay ka shaqeysan karaan dhulka ay xukumaan kooxdu.
Taa beddelkeeda odayaasha waxay oggolaadeen qoddobo ay ka mid ahaayeen in deegaannadooda aan loogga duulin kooxda, iyo in maleeshiyo beeleedyadooda ka reebaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments