Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo maalmihii la soo dhaafay safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa Maanta dib ugu laabtay Caasimadda Soomaliya ee Muqdisho.
Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda dhexe iyo Maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweyne laftagareen ayaa ujeedka safarkiisa ee Muqdisho waxaa lagu sheegay ka qeyb-galka shirka Madaxda dowladda & Maamu; Goboleedyada ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.
Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Cali Ibraahim ayaa ka warbixiyay Safarka Madaxweyne Laft-gareen ee Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horay ugu sugnaa Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug,Hirshabeelle,Puntland, iyo Jubbaland kuwaasoo lagu wado inay ka qeyb-galaan shirka uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo Maalinta beri ah ka furmaya Xerada Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Afisiyooni qabanqaabadiisana uu Wado Xafiiska Ra’isulwasaaraha sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliy ee Magaalada Muqdisho.