Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maraykanka oo sheegay in uu dilay hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Soomaaliya

Maraykanka oo sheegay in uu dilay hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Soomaaliya

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay dileen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya, isaga iyo toban ka mid ah kooxdaasi.
Bilaal Al-Sudani ayaa lagu eedeyay in uu ahaa shakhsi muhiim u ah maalgelinta iyo ballaarinta kooxda Islaamiga ah ee ka dagaalanta Afrika iyo meelo ka baxsan.
Saraakiisha ayaa sheegay in lagu dilay israsaaseyn ka dib markii ay ciidamadu weerareen god ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee waqooyiga Soomaaliya, iyagoo rajeynaya inay gacanta ku soo dhigaan.
Amar uu bixiyay Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa ciidamo gaarka ah waxa ay Arbacadii weerar ku qaadeen deegaan ka tirsan buuraha Calmis ee ku yaalla gobolka Bari.
Wasiirka gaashaandhigga Maraykanka, Lloyd Austin, ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay Bilal al-Sudani oo xubin sare ka ahaa Daacishta Soomaaliya iyo dagaalyahanno la socday.
Ciidamada ayaa amar lagu siiyay inay noolal ku soo qabtaan Bilaal, balse iska caabin ay sameeyeen dagaalyahannadii uu watay ayaa dhalisay inuu halkaa ku dhinto.
Khubarrada amniga ayaa tilmaamay in go’aanka uu Maraykanka ciidan dhulka ah ugu diray buurahaas ay muujinayso muhiimadda ay u lahayd inuu noolal ku qabto Bilal Al-Sudaani.
Wasaaradda gaashaandhigga ayaa Al-Sudani ku tilmaantay inuu Daacish u qaabilsanaa ballaarinta howlgalladeeda Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments