Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha waddamada qaaradda Afrika ku boorriyay inaynan keliya xoogga saarin wax soo saarka beeraha balse ay ku dadaalaan sida tani looga faa’iidaysan karo iyo soo saaridda badeecooyinka kale.
Ruto oo hadal ka jeediyay shirweynaha ka socdo magaalada Dakar ee caasimadda dalka Senegal ayaa hoosta ka xarriiqay in Afrika ay awood u leedahay inay soo saarto cunno badan oo dibadda loo iibgeyn karo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in arrintan ay suurtagelin karto in la helo dakhli dheeraad sidoo kalena in dhallinyarada loo abuuro fursado shaqo.
Ruto ayaa xusay in madaxda Afrika aan 60 sano ka dib xilligii madax bannaanida looga baahnayn inay ka hadlaan cunno.
Hoggaamiyaha wadanka oo ka qayb galay dood loo qabtay ilaa 10 madaxweyne ayaa sheegay in si sare loogu qaado abuurka beeraha la doonaya adeegsiga tiknolojiyadeed ,waraab sare iyo qalab casri ah.
Waxaa uu ka digay in wax soo saarka beeraha uu noqdo mid ku tiirsan roobabka isagoo intaasi ku daray in tani ay tahay sababta waddamo badan oo ku yaalla qaaradda Afrika ay weli u wajahayaan gaajo.
Ruto ayaa tilmaamay in haddii si wayn loo adeegsado waraabka beeraha iyo bacriminta inuu kobcayo wax soo saarka.
Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayaa sheegay inay gudaha wadanka ka jiraan fursado badan oo ay waaxyaha dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ay iskaga kaashan karaan mashaariicda beeraha.
Waxaa uu shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ka codsaday inay kabaan barnaamijyada dowladda si loo dardargeliyo wax soo saarka beeraha.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale bangiga horumarinta Afrika( (AfDB) uga mahadceliyay ballanqaadka ah inuu lacag dhan 1.2 Triliyoon oo shilin ku maalgelin doono soo saaridda cunnada qaaradda Afrika.
Barnaamijkan ayaa socon doono muddo shan sano ah sida uu sheegay madaxa bangigan Akinwumi Adesina oo hoggaamiyaasha Afrika ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan dhulka ballaaran ee wax lagu abuuri karo ee ay haystaan si ay dadkooda u quudiyaan.
VALUE ADDITION WILL FETCH AGRICULTURE MORE CASH
President @WilliamsRuto has challenged African leaders to take the discourse on agriculture beyond production to value addition and manufacturing.
He said Africa has the potential to produce surplus food and process for export. pic.twitter.com/6ukxozkZde
— State House Kenya (@StateHouseKenya) January 25, 2023
"What Africa does with agriculture today will determine the future of food security in the world," he added.
He said AfDB will invest the 10 billion USD in the next five years to support food production in Africa.
— State House Kenya (@StateHouseKenya) January 25, 2023