Guddoomiyaha Wajeer oo qaabilay koox ka socoto hay’adda FAO

0
314

Barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullaahi Maxamad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay koox farsamo oo ka socota hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO.
Waxaa uu kala hadlay qorshaha lagu samaynayo qiimaynta waraabka ee qaybo ka mid ah deegaannada ismaamulkaasi.
Deegaannadan ayaa kala Koonfurta Wajeer, Galbeedka, Ceeldaas iyo deegaan baarlamaaneedka Waqooyiga Wajeer.
Qodobbada diiraada lagu saaray kulankan waxaa ka mid ahaa, sida loo kobcin karo wax soo saarka beeraha ee dowlad deegaanka Wajeer, si loo xaqiijiyo sugnaanta cuntada ee ismaamulkaasi.