Nuurdiin Xaaji oo loo oggolaaday inuu maxkamadda ka saaro dacwad la xiriirta musuqmaasuq

0
330

Maxkamadda dalka ayaa agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka Nuurdiin Xaaji u oggolaatay inuu meesha ka saaro kiis horay loo gudbiyay oo ku saabsan musuqmaasuq.
Dacwaddan ayaa ahayd in madaxii hore ee fulinta ee caymiska qaran ee caafimaadka NHIF ,Geoffrey Mwangi lagu eedeyay inuu lunsaday 1.1 bilyan oo shilin.
Garsoore Victor Wakumile ayaa sheegay in maxkamadda lala wadaagay sababaha loo codsanaya in kiiskan la soo afjaro.
Xaakinka ayaa waaxda dacwad oogidda u qabtay muddo 15 cishe ah oo ay dib u eegis ugu sameynaysa gal dacwadeedka Mwangi si ay maxkamadda ugu wargeliso tallaabada xigta.
Sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii dacwad lagu soo oogay Geoffrey Mwangi , mas’uulkii hore Simon Kirgotty, xubnaha guddiga hanti dhowrka ee NHIF sida Mudzo Nzili, Yussuf Ibrahim, Elly Nyaim, Danson Muchemi iyo shirkadiisa Webtribe Limited iyo 13 qof oo kale.