DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka jawaabay hadal uu jeediyay Raila

0
352

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ka jawaabay hadal uu shalay jeediyay madaxa mucaaradka Raila Odinga oo ahaa inaysan aqoonsanayn madaxweynaha iyo maamulkiisa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aan marnaba lagu cabsi gelin karin dibadbaxyada iyo isku soo baxyada siyaasadeed ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in Raila Odinga uu doonaya in siyaasad ahaan lala heshiiyo balse aynan marnaba taasi dhici doonin.

Sidoo kale waxaa uu gaashaanka u daruuray dalabkii Mr. Odinga ee ahaa in la furo oo dib loo eego keydka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.