Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa dalbaday in baaritaano dabagal ah lagu sameeyo keydka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC si loo ogaado musharraxa si sax ah ugu guulaystay xilka madaxtinnimo.
Waxaa uu doonaya in baaritaannadan ay sameyso koox madax bannaan oo natiijadana kenyaanka lala wadaago.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aan marnaba laga wada xaajoon karin dalabkooda ah in dib loo eego hannaanka natiijooyinka ee IEBC.