Madaxweynaha oo u tacsiyeeyay qoyska Moses Kuria

0
333

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo asxaabta wasiirka wasaaradda ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha wadanka Moses Kuria oo ay geeriyootay walaashiis ka wayn Pauline Nyokabi.
Ruto ayaa Nyokabi ku tilmaamay haweeney mas’uuliyadeeda ka soo bixi jirtay oo carruurteeda ku soo korisay si dadaal leh.
Waxaa uu sidoo kale xusay inay ku howlanayd ka ganacsiga digaagga.
Waxaa sidoo kale tacsi tani la mid ah diray madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.