Waxaa lagu soo warramaya in 11 qof oo ay ku jiraan labo carruur ay dhinteen, ka dib markii shil baabuur uu ka dhacay bartamaha dalka Thailand, sida ay booliiska sheegeen.
Waddamada ku yaalla Koonfurta qaaradda Asia ayaa xilliyadan u dabaal degga sanadka cusub ee loo yaqaano Lunar.
Baaburka ayaa markii uu shilka galay ka dib uu dab kacay, taas oo keentay in rakaabkii saarnaa uu hal qof kaliya ka badbaaday.
Sarkaal boolis ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in hal nin ay u suurtagashay in uu daaqadda baaburka ka boodo.
Gaariga shilka galay oo siday 12 qof ayaa ka soo ambabaxay waqooyi bari ee gobolka Amnat Charoen kuna wajahnaa caasimaadda dalka Thailanad ee Bangkok.
Shilalka waddoyinka ayaa xilliyada fasaxa ku badan dalka Thailand.