Militariga Burkina Faso oo dalbaday inay dalkaasi ka baxaan ciidamada Faransiiska

0
384

Dowladda Burkina Faso ee uu militariga hoggaamiyo ayaa ciidamada qalabka sida ee Faransiiska ee ku sugan wadankaasi ka dalbatay inay dalkaasi iskaga baxaan.
Waxaa loo qabtay muddo hal bil ah .
Go’aankan ayaa ah midkii ugu dambeeyay ee muujinaya inuu sii xumaanaya xiriirka ka dhexeya Burkina Faso iyo Faransiiska oo horay u guumaystay.
Tani iyo bishii Sagalaad ee sanadkii hore waxaa dalka Burkina Faso ka dhacay labo afgembi oo ay militarigu sameeyeen.