Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaliilaha ay siyaasiyiinta mucaaradka u jeedinayaan maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza oo ah inuu musuqmaasuqay doorashadii dhacday sanadkii hore.
Xilli uu ku sugnaa magaalada Kitale ee ismaamulka Trans Nzoia ayuu hoggaamiyaha dalka carrabka ku adkeeyay inuu si caddaalad ah ugu guulaystay xilka madaxtinnimo.
Ruto ayaa xusay inuu guul rajeynayay maadaama uu qaybaha kala duwan ee wadanka ku leeyahay taageero wayn oo siyaasadeed.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii qaar ka mid ah madaxda garabka mucaaradka ee Azimio la Umoja-One Kenya ay sheegeen in musharraxoodii Raila Odinga uu doorashada ku soo baxay oo natiijada looga shubtay.
Dhanka kale madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay inuu dhammaan kenyaanka si siman ugu adeegi doono iyadoo aan la eegayn dhanka ay siyaasad ahaan taabacsan yihiin.